Golaha wakiilada Puntland oo maanta leh kulankoodii 2aad ee kal-fadhiga 44aad.

Mudanayaasha golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta leh kulankoodii labaad ee kal-fadhiga 44aad oo maalinimadii shalay uu daahfuray madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni.

Kulanka barlamaanka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarayaa qorsha howleedyada horyaala barlamaanka inta lagu jiro kal-fadhigooda 44aad, waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda ay si rasmi ah u guda galaan ajandayaasha ugu adag ee horyaala.

Gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada horyaal kulanka barlamaanka Puntland iyo waxyaabihii horay ugu soo qabsoomay kahor furitaanka kal-fadhigooda 2aad.

DAAWO

<