DAAWO-Malaaqyada Digil iyo Mirifle ee degan Puntland,”Waxaan joognaa dhulkeenii nala kumana dhibaateeyo”.

Malaaqa guud ee beelaha Digil iyo Mirifle Puntland oo ay weheliyeen isimo ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Garoowe waxa ay kaga hadleen dad lagu laayey magaalada Galkacyo iyo gaf malaaqyada Koonfur Galbeed kula keceen reer Puntland.

Malaaqyada ayaa ugu horayn wax laga xumaado kutilmaamay dilkii xaafadda Baraxley ee koonfurta Galkacyo waxaana ay sheegeen in dambiiluhu uusan qabiil lahayn Galmudugna looga baahnaa inay qofkii dambi geystey maxkamadayso ee aysan dad shacab ah layn.

Waxa ay ka codsadeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xukuumaddiisa inay caddaaladda horkeenaan dadkii ka dambeeyey dilalkii xansuuqa ahaa ee ka dhacay Xaafada Baraxley aysanna kala soocin shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kalena, malaaqyada ayaa waxa ay ugu beeniyeen in beelaha Digil iyo Mirifle ee degan Puntland waxyeelo loo geysto isla markaana ay degan yihiin dhulkoodii hooyo oo ay ku dhowaad 30 sano kunoolaayeen ayna nabad ku joogi doonaan marwalba.

DAAWO

<