Kal-fadhigii barlamaanka Puntland oo saaka ka furmaya magaalada Garoowe.

Saaka waxaa loo balansan yahay inuu magaalada Garoowe ka furmo kal-fadhigii 44aad oo dastuuri ah kaasi oo ay yeelanayaan barlamaanka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed tan iyo dhismihii Puntland sanadkii 1998-dii.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo shalay dalka ku soo laabtay ayaa lafilayaa inuu si rasmi ah u daahfuro kal-fadhigaan oo diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, xuduudaha iyo la xisaabtanka xukuumadda.

Ansixinta shuruucda iyo arrimaha xukuumaddu soo gudbisey, dabagalka shaqooyinka xukuumaddu soo gudbisey kal-fadhigii hore xogta ka soo baxday, wax ka waydiinta xukuumadda arrimaha Sool iyo Sanaag & qodobo kale ayaa kamid ahaan doona ajandayaasha shirka.

DAAWO

<