Islaan Ciise Islaan Maxamed oo luuqad adag kula hadlay madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada (DAAWO).

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhigii barlamaanka Puntland ayaa farriin u diray madaxda ugu saraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah oo khilaaf u dhexeeyey muddooyinkii ugu dambeeyey.

Islaan Ciise Islaan Maxamed waxa uu ugu horayn farriin isugu jirtey dardaaran iyo shaqo ku dhiirigelin u diray mudanayaasha barlamaanka dowladda Puntladnd si ay u guttaan waajibaadka dastuuriga ah ee shacabku u igmadeen.

Mar uu la hadlayey madaxda Soomaalida ayaa waxaa Islaan CiiseĀ  sheegay in looga baahan yahay inaysan ka beensheegin Kitaabkii ay gacanta saareen si daacad ahna dalka ugu adeegaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Islaanku sheegay inay ka soo daaleen dowlad la’aan iyo dagaalo sokeeya ayna hadda u baahan yihiin dowlad dhexe oo midaysa kana saarta marxaladihii adkaa ee ay Soo mareen si aysan ugu laaban.

DAAWO

<