DAAWO-Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay xiisadaha gobolka Sanaag kuna dhawaaqday in Puntladnd iyo Somaliland ay la hadashay.

Xafiiska arrimaha siyaasadda qaramada midoobey ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadaha u dhexeeya ciidanka dowladda Puntland iyo malayshiyaadka laga soo abaabuley Somaliland ee duuleenka ku soo qaaday Damalla-xagarre iyo Yubbe.

Wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa sheegay inay ka xunyihiin xiisadaha ka soo cusboonaaday gobolka isla markaana ay labada dhinac ka la hadlayaan sidii ay xaalka u qaboojin lahaayeen.

Dhinaca kalena, xafiiska ayaa shaaciyey doorkii ay ku lahaayeen qorshihii Puntland iyo Somaliland ay kula kala wareegeen 21 maxbuus oo ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool sanadkii hore.

DAAWO

<