DAAWO-Khudbaddii Madaxweynaha Puntland oo dhammaystiran iyo kuna dheeraaday xaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 44aad ee barlamaanka Puntland ahna kii labaad oo ay yeelanayaan barlamaanka cusub ee ay yeelatay Puntland bilowgii sanadkaan.

Siciid Cabdullaahi Denni ayaa ugu horayn waxa uu ku dheeraaday qorshihii ay barlamaanku ansixiyeen ee xukuumaddu u soo gudbisey kal-fadhigii hore, isagoona sheegay inay u sameeyeen tub lagu fulin doono waxbadana ay uga hirgaleen.

Madaxweynaha ayaa waxa uu aad ugu dheeraad shirarkii ka dhacay Garoowe una dhexeeyey madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada looga hadlayey xaaladda guud ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay waxbadan oo dani Soomaaliya ugu jirto ka soo bexeen inkastoo ay jiraan arrimo lagu heshiin waayey.

Dr Denni waxa uu intaas ku daray in dowladda federalka ah ee Soomaaliya aysan waxbadan ka fulin heshiisyadii hore isla markaana ay muhiimtahay inay doorkooda dastuuriga ah ka siiso maamulada arrimaha masiiriga ah ee kala dhexeeya.

Waxa uu sheegay inaysan doonayn wax ay xaq u leedahay dowladda dhexe ee Soomaaliya haseyeeshee ay doonayana madaxda DFS inay faramaroorsi ku sameeyaan arrimaha xilligaan taagan ee dalka gaar ahaan dastuurka, doorashooyinka iyo shuruucda la meelmarinayo.

Safaro uu ku tegey dalalka Imaaraadka, Itoobiya, Kenya iyo Shiinaha ayuu sheegay inay waxbadan uga soo qabsoomeen ayna waxbadan Puntland ka faa’iidey maadaama ay dowladdaha, ganacsatada iyo daneeyayaasha ugu soo bandhigeen xogta Puntland.

Waxa uu sheegay in Puntland ay maalgashi iyo horumarin dhaqaale ka heshay dalalka ay booqdeen ayna sanadkaan gudihiisa hirgelin doonaan mashaariic horumarineed oo ay kamid yihiin dhismayaal waddooyin, garoomo iyo dekedo Garacad kamid tahay.

Qaybta dambe ee khudbaddiisa ayaa madaxweynaha dowladda Puntland waxa uu aad ugaga hadlay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha u degan xukuumaddiisa wuxuuna balan qaaday in Puntland ay isbedel ka samayn doonto.

DAAWO

<