DAAWO-Gudoomiyaha barlamaanka Puntland oo weeraray Somaliland bogaadiyeyna reer Sanaag.

Gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobadaareed ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey munaasabaddii furitaanka ee kal-fadhigii barlamaanka Puntland.

Gudoomiye Dhooba-daareed ayaa ugu horayn sheegay in barlamaanku ay dabagal iyo kormeero sameeyeen mudadii u dhexaysay labada kal-fadhi ee barlamaanka Puntland ayna waxbadan u qabsoomeen.

Dhoobadareed ayaa shaaca ka qaaday in barlamaanka Puntland ay aad uga xunyihiin aysanna aqbali karin daandaansiga maamulka Somaliland uu ku soo qaaday gobolada Sool iyo Sanaag gaar ahaan Yubbe iyo Damalla-xagarre.

DAAWO

<