DAAWO-Galmudug oo ka hadashay xansuuqii ka dhacay Koonfurta Galkacyo.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Galmudug Col-Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb iyo duqa Koonfurta Galkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf bare oo si wadajir ah Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo sheegay in ay socdaan baaritaano sidda ay wax u dhaceen.

Maddaxda maamulka Galmudug ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegeen in ay si weyn uga  xun yihiin dil wadareedkii xalay Gaalkacyo loogu geystay dad Shacab ah oo la sheegay in ay kasoo jeeddaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Corneal Xabeeb ayaa waxa uu sheegay in ku raadjoogaan kooxii ka damabeyay falkaasi lagu dilay 9 qof iyo dilkii kale ee xalay loo geystay Cali Dhiif oo ka tirsana ciidamada Nabadd Sugid Galmudug.

Massuuliyiintaan katirsan Galmudug ayaa sheegay in aysan dhici doonin in Kooxihii geystay dilka Cali Dhiif iyo Shacabka inta badan aysan ku dhuumaaleysan Gaalkacyo, islamarkaana Ciidanka Galmudug ay ku jiraan howlgal weyn oo ka socda Gaalkacyo.

DAAWO

<