Wasaaradda caafimaadka Puntland oo shaqadii ka ruqsaysay 37 kamid ah shaqaalihii cisbitalka Garoowe.

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa shaqadii ka ruqsaysay 37 shaqaale ah oo isugu jirey dhaqaatiir, kalkaaliyaal caafimaad dhammaantoodna ka howlgeli jirey isbitalka guud ee magaalada Garoowe.

Masuuliyiin katirsan maamulka isbitaalka guud ee magaalada Garoowe ayaa warkaan noo xaqiijiyey waxaana ay sheegeen in dadka shaqada laga ruqseeyay ay u badnaayeen kuwo shaqadoodii dayacay oo aan soo xaadiri jirin islamarlrkaana mushaar iska qaadan jiray.

Tilabadaan ayaa la sheegay inay qeybka tahay dib u habayn lagu wado shaqaalaha isbitaalka kadib markii dhawaan maamul cusub uu shaqada la wareegay, waxxaana maamulka cisbitalku sheegay in lasoo saaridoono shaqaale leh tayo iyo masuuliyad lagula xisaabtamidoono.

Dhowaan ayey ahayd markii wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ay shaqadii ka raacdaysay agaasimihii, agaasime ku-xigeenkii iyo maamulkii maaliyadda ee cisbitalka xilli ay soo badanayeen cabashooyinka dadweynaha ee shaqada cisbitalka guud qaban jirey.

<