Shirkii golaha wasiirada Puntland oo baaqday iyo Axmed Karaash oo kormeer kedis ah wasaaradaha kumaraya.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno qasriga madaxtooyada Puntladn ee Garoowe ayaa sheegaya inuu maanta baaqday shirkii golaha xukuumadda Puntland oo maalin walba oo Khamiis ah la qaban jirey sababo la xiriira shaqooyinka socda.’

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saaka kormeer aan horay loo shaacin ku maraya xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay weheliyaan saraakiil madaxtooyada katirsan ayaa ka dul dhacay xafiisyada haya’adaha iyo wasaaradaha Puntland ee magaalada Garoowe si uu ugu kuurgalo shaqada ka socota.

Xubno badan oo katirsan golaha xukuumadda Puntland ayaa safaro shaqo ugu kala maqan gobolada, Bari, Karkaar, Sanaag iyo Mudug waxaana inta dhiman lagu kormeerayaa shaqada wasaaradohooda ka socota.

<