Shirkadda Ethiopian Airline oo soo dhoweysey inay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Garoowe iyo Boosaaso.

Puntland iyo shirkadda duulimaadyada ee Ethiopian Airline ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii shirkaddu ay duulimaad toos ah uga bilaabi lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo laga hirgeliyey garoomo casri ah labadii sanao ee ugu dambaysay.

Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda shirkaddaann magaalada Addis Ababa kulan uu kula yeeshay kagala hadlay abuuridda fursado ganacsi oo lagu horumarinayo xidhiidhka taarikhiga ah ee Puntland iyo Itoobiya, Madaxweynaha ayaa xusay inay qayb muhiima ka qaadanayso xidhiidhkaasi hirgelinta duulimaadyo caalami ah oo ay Shirkadda Itoobiyaan Airline ka hirgeliso Puntland, taasi oo fududaynaysa isku xidhka labada dhinac iyo abuuridda fursado maalgashi.

Denni iyo wasiirka duulista hawada iyo garoomada ayaa madaxdaan u sheegay in Puntland ay eledahay garoomo diyaaradeed oo caalami ah, kuwaasi oo buuxinaya shuruudaha diyaaradaha nooc walba oo ay yihiin, wuxuu cadeeyey inay Puntland diyaar u tahay waxkasta oo lagu suurta gelinayo hirgelinta duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airline.

Masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa dhankooda soo dhoweeyey inay Puntland ka hirgeliyaan dulimaadyo qayb ka noqda kobcinta Ganacsiga labada dhinac, waxayna shirkaddu ogolaatay bilaabista duulimaadyo isku xira Puntland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland oo ay weheliyeen wasiiro dhowr ah safar shaqona ugu maqnaa dalka Shiinaha ayaa horumaro ballaaran ka soo sameeyey kulamo ay la qaateen ganacsato iyo madax kala duwan si ay maalgasho iyo ganacsi uga sameeyaan Puntland.

<