DAAWO-Maddaxweynaha Puntland oo dalka ku soo wajahan iyo kal-fadhigii barlamaanka oo Sabtida furmaya.

Xarunta golaha shacabka Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa todobaadka soo socda si rasmi ah uga furmi doona kal-fadhiga 44aad ee barlamaanka Puntland ahna kii 2aad ee ay yeelanayaan barlamaankan cusub ee Puntland yeelatay sanadkaan 2019.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa lafilayaa inuu ilaa berri ku soo laabto Garoowe isla markaana uu subaxda Sabtida ah si rasmi ah u furo kalfadhigaan oo noqon doona kii ugu horeeyey ee uu furayo.

Gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku maqnaa Sanaag ayaa deg deg ugu soo laabtay Garoowe wuxuuna sheegay in kalfadhigu furmi doono maalinimada Sabtida ah.

DAAWO

<