Ajaaniibta ka howlgasha Puntland oo loo qabtay inay isku diiwaangeliyaan ilaa 30 June.

Dowladda Puntland ayaa muddo tirsan u qabatay inay isku soo diiwaan geliyaan shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka howlgala guud ahaan deegaamada Puntland si loo helo tirakoobkooda saxda ah ayna u buuxiyaan shuruucda u degan dalka.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowladda Puntland ayaa dhamaman shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka howlgala Puntland u qabtay inay isku soo diiwaan geliyaan inta ka horaysa 30-ka bisha June ee aynu xilligaan kujirno.

Wasiirka oo waraysi gaar ah siiyey Puntlandi ayaa waxa uu sheegay in ciddii ka soo bixi wayda shuruudaha isla markaana aan isdiiwaangelin laga saari doono Puntland aanna loo ogolaan doonin inay wax shaqo ah ka qabtaan.

Go’aankaan oo ah mid heer dowladeed ah ayaa wasiirku waxa uu ku sheegay inay kula xisaabtami doonaan hayaddaha dadka ajaaniibta ah u shaqeeyaan ciddii ka dhega adaygtana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan ganaaxna la saari doono.

Wasaaradda shaqada, shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntkland ayaa horey waxa ay warqad ugu dirtay shirkadaha iyo hay’adaha guud ahaan deegaamada Puntland ay keensadaan file-lashada shaqaalohooda inkastoo aysan fulin awaamiirtaasi.

<