
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Karaash ayaa tagay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, halkaasi oo saakay sideedii subaxnimo ay ciidamada difaaca Puntland dib ula wareegeen gacan ku haynteeda, kadib markii maalmo kahor kooxda Shabaab qabsadeen.
Taliyaha Aaga Af-urur Maxamed Maxanuud Aarsade oo wareysi siiyay warsidaha Puntlandi ayaa u sheegay inay ciidamada kula wareegeen si nabad gelyo ah ayna isaga carareen kooxdii haysatay.
Halkaan ka dhegayso codka taliyaha.