(VIDEO) Waa sidee xaalada caafimaad Fartuun Yuusuf Ismaaciil oo arageedii ku weyday Qarax Bosaso ka dhacay

Warsidaha Puntlandi iyo idaacad maxali ah oo la yiraahdo ayaa maanta hoygeeda ku booqday Fartuun Yuusuf Ismaaciil oo ah hooyo Indhaheedii iyo dheeha wajigeedii ku weyday Qarax argigixisadu ka geysatay magaalada Bosaso dhacayna lixdii bisha Ramadaan.
 
Xaaladeeda dalka waxba waa looga qaban waayay. haddii isbitaal dibada ah loo qaado waxaa rajo weyn laga qabaa in hal Il loosoo celiyo, dheeha wajigeena qaliin lagu sameeyo oo sidiisii lagusoo celiyo.
 
Waxay garab uga baahan tahay walaalaheeda Soomaaliyeed.

<