Sarkaal katirsanaa booliiska Soomaaliya oo la arkay maydkiisa isagoo daldalan

Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed,oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa saakay maydkiisa la arkay isagoo daldalan, waxaana falkaan uu ka dhacay Xerada Sheelare ee degmada Xamar Jajab.

Lama garanayo inuu isagu is daldalay iyo in kale, hase ahaatee dad eheladiisa kamid ah ayaa sheegay in sarkaalku waayadii ugu dambeysay ay soo wajaheen daruufo nololeed.
<