Maraykanka oo duqayn xoogan ka geystay gobolka Bari

Milatariga Maraykanka ayaa duqayn uu shalay ka geystay buuraha Golis ee gobolka Bari ku dilay lix kamid ah argigixisada Daacish.

Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka Maraykanka Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkaan uusan wax khasaare ah kasoo gaarin shacabka, iyadoo intaas lagu daray in Marayakanku dib kasoo faahfaahindoono macluumaadka howlgalkaan.

Maraykanka ayaa duqaymaha uu ka geysanayo Soomaaliya waxay jab xoogan ugeysteen kooxaha argigixasada ah ee Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo weli halistooda aan dhayalsan karin kana dagaaalama dhul istiraatiiji ah oo kuyaala buuraha Calmadow iyo calmiskaad oo ku hareeraysan gobolka Bari.

Puntlandi.com

 

<