Wadamo ka xanaaqay Dowlada Qatar oo ka laabatay Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Madaxda Islaamka ee Magaalada Barakaysan ee Makka iyo Raysal wasaare Imran Khan oo Boqorka Sacuudiga ku canaantay goob fagaare ah

Sacuudiga iyo Emeraatka ayaa ka xumaaday in Dowlada Qatar ay ka laabatay Go’aamadii ay qaybta ka ahayd gunaanadka Shirkii Wadanada Islaamka uga socday Magaakada Barakaysan ee Makka, Dalka Sacuudiga.

Shirka oo socday mudo laba maalmood ah, ayaa kadib wadanka Qatar wuxuu Axadii shalay ahayd uu Doxa kasoo saaray In Go’aamada shirkaas aysan Qatar qayb ka ahayn.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Sacuudiga, Adel Al-Jubiir ayaa yiri ” Sida caadiga ah Wadamadu waxay Mowqifkooda cadeeyaan inta Madasha Shirka la joogo, laakiin Hadii Shir markuu dhamaado oo Go’aamo lawada qaato,aad qayb ka ahayd, lana isku raaco, cidna aysan cid ku khasbin in markii Dalkaaga aad Ka degto aad wax kale la timaado ,waa dhaqan cusub.

Wasiir u Dowlaha Emaaraatka Anwar Gargaash oo isna ka xumaaday hadalka kasoo yeeray Qatar ayaa yiri ” Waxaan u arkaa in uu jiro cadaadis baqdin oo saaran Qatar, ka laabashada Go’aamo shir lagu gaaray oo aad qayb ka ahayd ,kuna qanacsaneyd kolkii Madasha la joogay, Markaad gurigaaga tagto hadaad ka laabato, waa Mid fulaynimo iyo in ay jiraan gacmo kale oo Caadaadis ku haya Qatar, waana tabar daro muuqata ineysan u dulqaadan karin ama aysan xamili karin cadaadiskaas.

Ilaa hada Dowlada Qatar ma aysan faahfaahin sababta ay isu badashay oo ay uga laabatay Go’aanidii shirka.

Waxaa xusid Mudan in Raysal wasaaraha Dalka Pakistaan Imran Kxhan uu shirka dhamaadkiisii uu si kulul uvweeraray Boqorka Sacuudiga isagoo hortaagan oo la sheekaysanaya, walibana farta ku taagtaagay,wuxuuna ku yiri ” Waxaad sameyseen Qaladaad aan loo dulqaadan karin oo a baxsan Anshaxa Shirararka,waxaan rajaynayaa inaad ka kaaftoomi doontaan kulamadeena Dambe”

Boqorka Sacuudigu wuu dhoola cadeeyey oo macasalaameeyey Raysal wasaare Imraan Khan.

Wadamada kasoo qayb galay kulanka qaarkood ayaa aad ula yaabay,kana cabsadey Qaabka uu Raysal wasaaraha Pakistaan uu ula hadlay Boqorka Sacuudiga.

Puntlandi.com
International News

<