Raysal wasaaraha Pakistaan oo si kulul ula hadlay Boqorka Sacuudiga goob Fagaare ah

Hogaaniyayaasha Wadamada Carabta halmar ayay hoos wada fiiriyeen kadib markii Raysal wasaaraha Pakistaan Imran Khan uu Canaan kulul iyo far ku fiiq uu la hor istaagay Boqorka Sacuudiga.

Raysal wasaare Khan ayaa ka xumaaday habdhaqanka Boqorka Sacuudiga intii uu shirku socday, kolkii shirku dhamaadey oo Barxada hore ay Madaxdu mid mid ugu sheekaysanayeen ayaa waxaa meel fog kasoo dhaqaaqay Raysal wasaare Khan isagoo soo wajahay meel uu taagnaa Boqor Salmaanka Sacuudiga oo xiligaas la taagan dhowr hogaamiye Carbeed.

Raysal Wasaare Khan iyo Boqorku si caadi ah ayay gacanta isaga salaameen, sheeko gaaban iyo isa salaamid kadib waxaa hadalkii qaatay Raysal wasaaraha Pakistaan wuxuuna si toosa oo lawada maqlayo uu Boqorka ugu yiri ” Wixii aad shirka ka sameysay wax loo dulqaadan karo ma ahan,waana wax ka baxsan Anshaxa Dublamaadoyada,waxaan rajaynayaa in kulamadeena dambe aad handhaqankaas wax ka badilo doontaan”.

Raysal wasaare khan wuxuu kaloo hadalka u raaciyey inuu baajiyey kulan uu la qaadan lahaa Wasiiro Sacuudi ah.kadibna wuu iskaga dhaqaaqay Boqorkii oo taagan.

Waxaa kaloo cajiib ahayd in Raysal wasaaraha Pakistaan farta ku fiiqayay Boqorka kolkuu hadalkaas lahaa.

Hogaamiyayaal dhowra oo goobta tasgnaa hoos ayay eegeen.

Puntlandi.com
Makka

<