Sacuudiga iyo Imaaraatka oo ku dhawaaqay inay beri Ciid tahay

Imaaraatka Carabta ayaa goor dhowayd ku dhawaaqay inay maalinta berito tahay maalinta koowaad ee ciidul Fidri sida uu qorayo wargeyska afka dheer ee Gulfnews.

Sucuudi Arabiya ayaa sidoo kale lamid ah oo shaaciyay in talaadada berito ah ay ciid tahay, iyadoo laga tixraacayo kalanderka taariikhda Hijriyada.

Si lamid ah Iraq ayaa ku dhawaaqday inay berito ciid tahay.

Dowladdahaan ma ay shaacin in bisha la arkay balse waxay soo xiganayaan kalander taariikhda Hijriyada oo sheegaysa in bishaan ay ku dhamaanayso 29, sidaas darteedna ay maalinta berito tahay kowda Shawwaal.

Sucuudiga meelo kamid ah ayaa laga sheegay in bisha laga arkay. Waxaana maxkamada sare ee dalkaas ay xukuntay in berito tahay Ciid.

Dhinaca Soomaaliya weli lama sheegin in berito tahay Ciid, waxaana caawo laga tukanayaa salaaada Taraawiixda. Laakiin weli waxaa socda xaqiijinta in berito tahay Ciid iyo in kale.

Wixii soo kordha kala socda Puntlandi

<