DEGDEG: Jubbaland oo looga dhawaaqay inay beri tahay maalin Ciid

Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Diinta Jubbaland ayaa sheegtay in 10 qof oo masjidka Quba ee magaalada Kismaayo ka soo baxay salaada maqrib kaddib ay bisha arkeen seddex kamid ah ayaa warbaahinta loo soo bandhigay dadkii arkay bisha.

Sidaa awgeed waxaa ay wasaaradda shaacisay in berri tahay ciid.

Dhinaca kale, Puntland, wasaaradda cadaaalada iyo arrimaha Diinta Puntland ayaa goor dhow laga sugayaa inay ku dhawaaqdo go’aan ku saabsan inay maalinta berito tahay Ciid iyo in kale.

Muqdishana wasiirka diinta iyo awqaafta ayaa laga sugayaa inuu saxaafada kasii daayo warka ku saabsan xaqiijinta in berito Ciid tahay.

<