Dalka Ghana oo lagu sameeyay qalliinkii ugu horeeyay ee maskaxda

Todobo dhaqaatiir ah ayaa dalka Gaana ku sameeyay qaliinkii ugu horeeyay ebid ee maxkaxda lagu sameeyo iyadoo aan la jarin dhakada.

Qalliinka maskaxda waa farsamo ay shaqaalaha caafimaadku si bedqab ah uga saaraan maskaxda burooyinka, iyadoo loo marayo qanjirada salka-mareenka, taasoo keeni karta dhaawac ama waxyeelo kale oo la gaarsiiyo bartilmaameed aan loo maleyneynin sida mareenada dhiigga iyo dareemayaasha.

Farsamada cusub ee hadda la adeegsaday ayaa loo yaqaanaa, Endovascular brain aneurysm coiling’, sababtoo ah looma baahna in la jaro ama qalliin lagu sameeyo dhakada, waxaana kaliya la adeegsanayaa tuubo dhexmaraysa qeybo kamid ah kala goysyada jirka kamid kadibna tagaysa meeshii loogu talo galay.

Qalliinkaan ayaa qaatay labo saacaddood, iyadoo la adeegsanayay qalab casri ah iyo computer Software oo yiilay xarun caafimaad oo kutaala magaalada Accra.

Puntlandi.com

<