Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulan degdeg ah isugu yeeray hay’addaha caalamiga ah.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland iyo guddiga loo xilsaaray gurmadka khasaarihii Roobabku geysteen, ayaa saaka kulan degdeg ah la qaadanaya hay’addaha caalamiga ah, iyagoo lagal hadlayo sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen dob u dhiska Buundooyin ku go’ay Roobkii cuslaa ee ka da’ay gobolka Nugaal.

Wafdi loo xilsaaray gurmadka ayaa kulanka kusoo bandhigaya kormeer lagu sameeyay waddada¬† Midigar iyo degaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaaray Roobab xoog leh oo ka da’ay Puntland. laamigiina uu go’ay, taasoo xanibtey isu socodka gaadiidka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka bur-buray, waxaana uu tilmaamay in goobaha hadda waxyeelada xoogga leh ay soo gaartay 5 Sano kahor ku dhisteen iskutashi tisqaaday,.

<