Itoobiya oo mar kale ukala dabqaadaysa Farmaajo iyo Uhuru

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta (axad 2-da juun) wuxuu gaaray Adis ababa kadib markii uu Casumaad ka helay Hogaamiyaha Itoobiya Aby Ahmed.

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Ra’ysal wasaaraha Itoobiya uu wado qorshe uu ku kala dhex galayo khilaafka Kenya iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ma aha markii u horaysay ee Aby Ahmed uu dhex dhexaadiyo Labada dhinac Laba bil ka hor ayay ahayd markay Sadexda masuul ay ku kulmeen Nairobi, xiligaasoo khilaaf Dublamaasiyadeed soo kala dhex galay Muqdisho iyo Nairobi, Aby Ahmed wuxuu ku guulaystay dhameynta khilaafkaas.

Laakiin su’aasha hada taagan waxay tahay khilaafkaan cusub ma ku guulaysanayaa inuu dhameeyo, oo Farmaajo iyo Uhuru ma is gacan galin doonaan.

<