(Dhegayso) Xaalad caafimaad daro oo ka dhalatay roobabkii ka da,ay gobolka Sanaag

waxaa laga soo dayrinayaa xaalada caafimaad ee deegaano badan oo hoos yimaada degmada Baran ee gobolka Sanaag  oo ay roobabkii Gu,ga ka da,een, sida deeganka Mindhicir.

Guddoomiyaha deegaankaasi Sahra Maxamuud Ciise Xagar  ayaa nooga warbixisay xaalada caafimaad daro ee ka jira deegaanka iyadoo sheegtay in dadka iyo duunyaduba ay aad uliitaan.

Gobolka Sanaag ayaa wali waxa uu ku jiraa godoon kadib roobabkii xooganaa ee ka da,ay waxaana hakad ku jira isku soodka gaadiidka iyo dadka ee gobolka.

Xoolo dhaqatada deegaanka Midhicir ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in xoolihii ay dhaafeen oo qaar badan ay la tageen daadadkii soo rogmaday.

Dhegayso.

 

<