Hay’adda masiibooyinka Puntland oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay Roob mahiigaan ah oo ka da’ay gobolada Nugaal iyo Karkaar

Guddomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka dowladda Puntland Cabdulaahi Axmed Ceyrow, ayaa maanta shaaciyay  inay dhimasho iyo burbur wadooyin ah uu ka dhashay Roob mahiigaan ah oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ayay qaar kamid ah deegaanada Puntland.

Guddoomiyaha oo la hadlay Puntlandi ayaa u sheegay in illaa iyo saddex carruur ah ay biyuhu la tageen kuna dhinteen kadib markii ay biyo xoogan kusoo rogmadeen deegaano ay ku sugnaayeen oo kuyaala inta udhexeysa gobolada Nugaal iyo Karkaar halkaas oo ay illaa haatan Roobabku ka da’ayaan.

Waxaa guddoomiyuhu uu sheegay in ay gabi ahaanba  xiran tahay waddada Garowe iyo Qardho, isagoo tilmaamay inay biyo xoogan qulqulayaan dusha sare ee Buundooyinka halkaas kuyaala. Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa ku daray in aan la ogaan karin inay go’een buundooyinka biyuhu dusha ka marayaan.

Cabdulaahi Ceyrow ayaa sidoo kale sheegay in xoolo badan ay ku la’deen Biriq ku dhacday deegaanka Uusguray ee gobolka Nugaal. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay weli Roobabku da’ayaan islamarkaana ay adag tahay in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee Roobabku ay geysteen.

Dhinaca kale, magaalada Garowe ayaa sidoo kale, waxaa kusoo rogmaday biyo xoogan oo ka yimid dhinaca Toggaga, waxaana wararku sheegayaan in ay biyuhu la tageen carruur ku noola xeryaha Barakacayaasha. Sidoo kale biyaha ayaa waxyeelo ugeystay guryo badan iyo gaadiid, iyadoo magaaladu gebi ahaanba ay biyuhu meel kasta fadhiyaan.

Puntlandi.com

 

 

 

 

<