Saddex dhalinyaro ah oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gobolka Nugaal

Garowe (Puntlandi) Saddex dhalinyaro ah ayaa  caawa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay  agagaarka tuulsda Libaaxo ee hoostagta degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Dhalinayaradaan oo kusoo wajahnaa Garowe ayaa gaari ay wateen iyo gaari kale oo xamuul ah isku dhaceen sida uu Puntlandi u sheegay qof kamid ah ehelada mid kamid ah dhalinyarada shilka ku geeriyooday.

Saddexda dhalinyaro ee geeriyootay ayaa labo kamid ah  lagu kala magacaabi jiray, Maxamed Ciilqabe, Cabdirashiid Yaasiin, halka qof saddexaad aynaan weli helin magaciisa.Dhalinyaradaan geeriyootay ayaa ahaa dhalinyaro aqoonyahanno ah oo bulshada dhexdeeda laga yaqiinay, waxayna galabta kasoo muuqanayeen facebook live iyagoo safara

Puntlandi.com

<