Kenyan-ka maxay ka dhaheen khilaafka Soomaaliya iyo Kenya dhexyaal: “Waxaa la joogaa wakhtigii awood la isticmaali lahaa,” ayuu yiri qoraa wargeyska NATION ee ka soo baxa Nairobi, Kenya.

Qoraa lagu magacaabo Kemoli Sagala oo ku takhakhusay arrimaha ammaanka ayaa qormu uu ku daabacay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ku sheegay in xiligan la joogo wakhtigii Kenya awood ciidan ku xalin lahay khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya.

“Inkastoo dagaalku wax wanaagsan ahayn, hadana nabada aduunyadu ku naaloonayso waxay ku timi guulaha ciidamadu kasoo hooyeen furimaha dagaalka”, ayuu qormadiisa ku yiri qoraaga magaciisu yahay Kemoli Sagala .

Isagoo sharaaya ayuu qoraalkiisa ku yiri “Waxaan rajeynayaa in madaxda dhanka amaanka ah ee Kenya qorshe cad ka leeyihiin ilaalinta iyo difaaca Kenya, kana hortegi doonaan daandaansiga uga imaanaya dibada iyo suurtagalnimada dhulboobka, ayna ka feejigan yihiin cadaawada dalka deriska la ah ee Soomaaliya.”

Isagoo qoraalkiisa oo aad u dheer siiwata ayuu sheegay in Kenya aysan intaa ka badan sii ciyaari karin doorkeeda ah deris wanaagsan balse markan loo baahan yahay si loo ilaaliyo qaranimada Kenya in la isticmaalo awood ciidan.

“Dawlada Kenya waa inay xal awood ku saleysan u hesho muranka ku saabsan xadka badda ee ay isku heystaan Soomaaliya, ayna ka gudubto marmarsiiyada ay sameysaneyso,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

<