
Dowladda Kenya ayaa beenisay sheegashooyin ku saabsanaa inay afar sarkaal oo ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya loo diiday in ay galaan waddankeeda iyagoo watay baasaboor diblomaasiyadeed.
Waxay Kenya sheegtay muwaadiniintaan inay diideen in ay 20 kii bishaan May soo galaan Kenya, iyagoo markaas haystay diplomatic passport, balse ay ka maqanaayeen dukemantiyo muhiim u ahaa safarkooda sida Visaha oo kale.
Xukuumadda Kenya waxay sheegtay inaysan doonayn inay been ka sheegto muwaadiniinta Soomaalida ah ee soo galaya Kenya haddii ay haystaan shuruudaha aasaasiga ah ee ay uga baahan yihiin saraakiisha socdaalka.
Puntlandi.com