DEG-DEG: Kenya oo qabatay lacag ku dhow 2 milyan oo dollar oo uu lahaa sarkaal ku dhow madaxweyne Farmaajo

Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in Kenya lasoo galiyo xamuulka aan lala socon ee lagasoo qaado Soomaaliya.

Go’aankaan ayaa ka dambeeyay kadib markii dowladda Kenya ay sheegtay inay garoonka Joma Kenyatta habeenkii isniinta lagu qabtay boorso ay ku jirto lacag dhan $1.7 million oo Soomaaliya laga keenay.

Lacagtaan ayaa la sheegay inuu leeyahay sarkaal katirsan hay’adda sirdoonka nabad sugida, si aad ahna ugu dhow qoyska madaxweyne Farmaajo.

Warbixinnada ayaa muujinaya in lacagta laga helay dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibada Kenya ayaa sheegtay inay lala wareegidooni oo la burburindoono xamuulka Soomaaliya ka yimaada haddii Kenya lasoo galiyo, sababtoo waxay sheegtay inay halis ku yihiin ammaanka qaran ee dalkeeda.

Xukuumadda Kenya ayaa horey walaac uga muujisay xamuulka aan la wehelin ee lagusoo qaado duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya. Waxayna sheegtay inay ka hor imaanaysaa xeerarka gaadiidka hawada ee caalamiga ah waxayna keenaysaa khatar ammaan.

Puntlandi.com

<