Itoobiya oo sheegtay in Somaliland iyo Puntland ay u aqoonsan tahay maamulo hoostaga dowladda Soomaaliya

War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay aqoonsan tahay madaxbanaanida Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin maamulo hoostaga dowladda federaalka ee Soomaaliya.

“Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay afhayeenka.

“Boggeena wasaarada arimaha dibada arrimo badan ayaa ka muuqda dib u eegis ayaan ku samayn doonaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa baraha Bulshada aad ugu falanqeynayay qoraal dhawaan wasaarada arimaha dibada ee Itoobiya ay ku sheegtay in dal ahaan ay u aqoonsan tahay  Puntland iyo Soomaliland.

<