Garowe oo heshay Roobkii ugu cuslaa sanado dheer kadib

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa caawo heshay Roob socday in ka badan afar saac oo xidhiidh ah, kaasoo weli dhibcihiisu ku hoorayaan magaalada gudaheeda.

Roobkaan ayaa bilowday sideedii fiidnimo, waxaana uu saameyn xoogan ku yeeshay isku socodka gaadiidka, dadweynaha  iyo ganacsiga maadaama uu kusoo beegmay xilli lagu mashquulsan yahay dukaamaysiga Ciida.

Waddooyinka magaalada gudaheeda ayaa isku badelay sidii togag biyuhu marayaan sababo la¬† xiriira Roobka oo ahaa mid xoogan oo saacado badan si xowli ku da’ayay.

Qaar kamid ah xaafadaha magaalada ayaa laga joojiyay Korantada iyadoo laga cabsi qabay in ay dhibaato ka dhalata, waxaana shirkada Korantada ay sidoo kale soo saartay digniin ku saabsan dadku inay ka taxadaraan ama aysan udhawaan tabeelayaasha Korantada.

Dadka tacliiqaya arrimaha Roobka ayaa sheegaya in Roobkaani uu yahay roobkii ugu xooganaa muddo 10 sano ku dhawaad ah oo Garowe ku hoora. Lama ogaan inuu wax khasaare ah ka dhashay Roobkaan.

Sawirro iyo muuqaalo saacada hore ee berito ayaan idiin soo gudbinaynaa insha allah.

<