Axmed Madoobe oo madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Mareykanka

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo.

Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga, iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arrimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaa kale oo laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka, iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman.

Safiirka Mareykanka ayaa safarkiisa ahaa mid saacado ah, waxaana safarkiisa Kismaayo lagu sheegay inuu qeyb ka ahaa Safaro uu ku tagay Puntland iyo Somaliland.

<