Ardayda ka qalin jabinaysa dugsiyada sare oo sharuud culus lagu xiray.

Dowladda Filipino ayaa soo saartay sharci cusub oo ku amraya dhammaan ardayda ka qalin jabinaysa dugsiyada sare iyo macaahida kale in ay ugu yaraan beeraan 10 geed kahor qalinjabintooda.

Sharcigaan ayaa muhiimada laga leeyahay waxay tahay in uu si joogta ah ula dagaallamo isbeddelka cimilada adduunka. Taageerayaasha sharcigaan ayaa sheegay haddii sida ay tahay loogu dhaqmo in uu keeni karo in ka badan  525 bilyan oo geed ah oo ay beerayaan jiilka cusub.

Wakiilka xisbiga Magdalo Gary Alejano, oo ah qoraaga ugu weyn ee sharcigaan, ayaa yiri: “In ka badan 12 milyan oo arday ayaa ka qalin-jebisa dugsiyada hoose iyo ku dhowaad shan milyan oo arday oo ka qalin-jabinaysa dugsiga sare iyo ku dhowaad 500,000 oo ka qalin jebinaysa koleejyada sanad walba. Waxay tani hubin doontaa in ugu yaraan 175 milyan oo geedo cusub lagu beeray sanad walba.
Puntlandi.com

 

 

<