Ethiopia Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda oo mar kale u geftay Soomaaliya iyo Farmaajo oo afka xirtay

Dalkeenna ayay Saddex u qeybisay. Dalalka ay ku leedahay Wakiillo Diblomaasiyadeed ayay ku dartay Puntland iyo Somaliland.

Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya.

Haddana waa gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah. Dowladda iyada ayay waajib ku tahay in ay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda.

Gefkii barta internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia markii ay daabacday Soomaaliya oo marka laga reebo Somaliland lagu daray Ethiopia,
ayaa dad is yiri khafiifiya.

Waxay yiraahdeen labada Congo waa la isku daray. Sida kale labada Sudan.

Waxaa xusuusin mudan in labada Congo ay Congo wada ahaan jireen, sidoo kale labada Sudan oo khariidaddu ay sidaa ahaan jirtay.

Laakiin annagu goormaan Ethiopia isku dal ahaan jirnay oo khariidaddu ay sax ahayd?

Dowladdeennu ha noo hadasho oo ha gudato waajibkeeda.
Wax laga aammuso iyo wax kale ayaa kala jira.

Lifaaqeedu waa kan: http://www.mfa.gov.et/home/Missions

Waxaa qoray: Yusuf Garad.

<