Dab ka kacay bartamaha Garoowe iyo shacabka oo damintiisa ku guulaystay

Makhaayad laga cunreeyo oo ku taalay bartamaha suuqa meeraysane ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka kacay maanta dab gaystay khasaare hantiyeed inkastoo aysan jirin cid wax ku noqotay.

Dabkan ayaa waxa uu ka kacay haanta Gaaska ee cuntada lagu karsado oo taalag gudaha meheradan.

Daminta dabkan ayaa waxaa kaalin laxaadleh ka qaatay dadweynaha Garoowe oo isticmaalayay sakeelada biyaha lagu shubto si ay dabka u baqtiyaan iyo booyadaha biyaha ee ka dhex shaqeeya magaalada.

Sawiro.

<