Kenya oo caddeysay inaysan ciidamadeedu ka bixidoonin gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada Kenya, ayaa sheegay khilaafka udhexeeya Soomaaliya iyo Kenya inuusan wax saameyn ah ku yeelandoonin joogitaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Colonel Meshack  Kishoyian oo ah taliyaha ugu sareeya ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbaland ayaa sheegay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal inuu yahay mid wanaagsan.

Sarkaalkaan wuxuu sheegay inuusan ka war hayn wax qorshe ah oo ku saabsan inay Kenya ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, isagoo xaqiijiyay  inay sii wadayso dhisidda awooda amniga ee Soomaaliya.

“Waxaan hadda la soconaa in ciidamada Soomaaliya ay ku jiraan howlgal si wadajir ah si awoodooda loo dhiso islamarkaana ay mustaqbalka dhow ula wareegaan masuuliyada amni ee dalkooda. Markaas kadib waxay ciidamadeena ku qasban yihiin inay ka baxaan Kismaayo iyo meel kasta oo aan ka joogno Soomaaliya,” ayuu yidhi

Colonel Meshack  Kishoyian, ayaa sheegay arrimaha siyaasadda in lagu xallin doonaa heerkooda siyaasaddeed.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Puntlandi.com

<