Breaking News, Puntlnd. Jubbaland iyo Galmudug oo qorshaynaya Qoraal wadajir ah oo ay ku qaadacayaan go’aankii Villa Soomaaliya ee ka dhanka ahaa Kenya


Xukuumada Federaalka ayaa qaadatay go’aamo dhowra oo ka dhan ah Kenya, kadib mrkii Kenya ay cunaqabatayn saartay Masuuliyiinta Xukuumda Federaalka.

Go’aamda Villa Soomaaliya ay soo saartay oo Maamul Goboleedyadu ka hiryimaaadeen muxuu yahay:

  • In La joojiyey Shirarakii looga qayb gali jiray Nairobi
    In la joojiyey Kulamdii, Siminrdii iyo tababarkii loo aadi jiray Nairobi
  • Hay’adaha Samafalka NGO ee Degan Nairobi OO lagu amray inay ka guuraan Nairobi hadii y doonayaan inay usoo shaqo tagaan Soomaaliya

Hadaba Maamul Goboleedyda ayaa aaminsan in xiligaan ay haba yaraatee aysan Vimla Soomaaliya aysan iyaga u hadli karin amaba aysan Matalin.

Ssidaas awgeed waxay Sadexdaan State ay qorshaynayaan iney soo saaraan Qoraal wada jir ah oo ay ku cadeynayaan iney kasoo horjeedaan Go’aamada Villa Soomaaliya ee kpr ku xusan.

Warkan oo ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay heleen wuxuu sheegayaa in ay aad ukala fogaadeen Maamul Goboleedyda iyo Villa Soomaaliya kadib markii lagusoo kala tagay Shirkii Garowe iyo Madaxda Federaalku oo iska dhaga tiray In ay joojiyo sharciyo dhowra oo ay Xukuumada u gudbisay Baarlamaanka, iyo waliba Baarlamaanka oo ansixiyay Sharciyadaas iyana iyagoon u dhag jalaqsiin Mamul Goboleesyada, waxaa kaloo jira khilaafyo dhowra oo isbiirsadey, sida Dagaal Siyaasdeedka u dhexeeya Xukuumada Dhexe, Galmudug iyo Jubbaland.

Dhanks kelena Puntland ayaa maalin kahor waxay gabi ahaan u jartay xirikrkii Villa Soomaaliya.

Wixii soo kordha iyo wararka suganba kala soco Warbaahinta Puntlandi.com, twitter iyo Facebook,-ba

Puntlandi.com
Garowe

<