FADEEXAD KALE: Imtixaankii dowladda federalka oo mar kale suuqa galay xilli berito loo balansanaa in ardaydu galaan

Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan maalinta berriya loo fariisan doono ayaa caawo markii labaad suuqa galay waxaana lagu kala iibsanayaa xaafada Baraxley ee koonfurta gobolka Mudug.

Arrintaan ayaa fool xumo iyo waji gabax ku ah wasiir Goodax Barre oo markii labaad ku fashilmay imtixaankii ardayda koonfurta Soomaaliya ku nool ay gali lahaayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya villa Soomaaliyeed oo filaysay in imtixaanka oo mar kale fashilmi kara ay gobol walba si gaar ah ugu diyaariyeen imtixaankii uu geli lahaa.

Halkaan hoose ka eeg nuqul kamid ah imtixaanka oo caawo lagusoo faafiyay baraha internetka.

<