(Dhegayso) Malaysiyaadka Muuse Biixi oo ciidamo hor leh u soo diray deegaanka Yube ee gobolka Sanaag

Maamulka Jeegaanta ee gobolada waqooyi ayaa ciidamo hor leh usoo dirtay deegaamada gobolka Sanaag, waxaana ay ka dambaysay kadib markii Arbacadii dagaal ka dhacay deegaanka Damal xagare looga dilay ilaa afar askari , sideed kallena looga dhaawacay, mana jirin wax gurmad ah oo ay ka heleen ciidamadooda ka joogay gobolka oo u badnaa dhalinyaro deegaanka ah.
Dagaalka deegaanka Damalxagarre waxaa uu dhexmaray ciidamo ilaalo u ahaa wasiirka waxbarashada Puntland, shacabka deegaanka iyo ciidamo katirsan Somaliland oo aan deegaankaasi u dhalan.
Dhegayso.
<