Waardiyihii haystay shahaadada jaamacaddeed. Cashar ku socda ardayda Soomaalida

Markii Ernest Maiki uu helay shahaadadiis dugsiga sare sanadkii 2011, waxaa ku biiray jaamacaddaha guud ee Kenya, si uu udiyaariyo heerka waxbarashadii koowaad una helo shaqo.

Waxaa uu iska diiwaan galiyay jaamacadda Eldoret halkaasuu uu ku diyaariyay digriigiisii koowaad ee maadada tirokoobka. Horaantii sanadkaan 2019, Maiki ayaa kadib ilaalo ka noqday dugsigiisii sare ee la yiraahdo Kuinet High School.

Isagoo ka hadlayay wareysi laga qaaaday, ayuu maiki sheegay inuu codsaday shaqooyin badan kadib qalin jabintiisii, Laakiin kuma guulaysan

Maadaama uu daryeelo hooyadiis oo xanuunsan iyo walaalihiis ka yaryar, Maiki wuxuu go’aansaday inuu ahaado waardiye tan iyo inta uu fursad shaqo helidoono

“Nolashu waxay leedahay kor iyo hoos, inaad si wacan wax usoo baratid kama turjumayso inaad nolol wanaagsan galaysid,”  Waligey ma qiyaasayn inaan ku dambayndoono waardiye. Waxaan isku dayay inaan codsado shaqooyin kala duwan laakiin kuma aanan guulaysan.” Ayuu yidhi.

Macalinkiisii hore ee Kalaaska, ayaa sheegay, in Maiki uu ahaa nin adeecid iyo dadaal dheer kusoo qaatay waqtigiisii iskuulka, isagoo murugo ka muujiyay in dadaalkiisii uu khasaaray.

<