(DHEGAYSO) Dowladda Germany oo la laabatay mashruuc isbitaal weyn loogu dhisi lahaa magaalada Garowe (SABAB)

Garowe (Puntlandi) Dowladda Germany ayaa la laabatay dhaqaalihii loogu talo galay mashruuc isbitaal weyn loogu dhisi lahaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, kaasoo dhismihiisa la qorsheynayay inuu bilowdo sanadkaan horaantiisa, balse dib u dhacay.

Wasiirka caafimaadka Puntland, Jaamac Faarax Warsame ayaa sheegay inay Puntland yimaadeen guddi ka socday hay’ad mashruucaan uxilsaarnayd dowladda Germany, kuwaas oo u sheegay in aanu waxba soo kordhinayn isbitaal cusub, xilli uu dayacan yahay oo waxba lagu qaban waayay isbitaalkii horey udhisnaa.

Wasiirka ayaa sheegay, dood dheer kadib in laga ogolaaday dhaqaale ka yar sidii horey loo qorsheeyay in lagu caawindoono isbitaalka Garowe, laakiin waxay hay’addu sheegtay inaysan rajo ka qabin in dhaqaalihii horey loogu talo galay aanu dib usoo laabandoonin.

Dowladda Germany ayaa horey u balanqaaday in dhaqaale 30 milyan oo dollar ku bixindoonto inay Garowe yeelato isbitaal weyn oo caalami ah.

Waa markii labaad oo ay dowladda Germany la laabato mashruuc sidaan u weyn, waxaana horey loo xasuustaa joojinta mashruucii weynaa ee jidka Garowe iyo Gaalkacyo sababo la xiriira musuq maasuq, inkastoo ay hadda ku mashquulsan tahay in mashruucaas dib loo bilaabo.

Halkaan ka dhegayso codka wasiirka.

<