Arday ka socday magaalada Garowe oo ku guulaystay tartanka Qur’aan aqriska Puntland

Maxamed faysal Maxamuud oo ka Socday Gobolka Nugaal Ayaa galay Kaalinta koobaad ee Tartanka 30-ka Jus ee Quraanka Kariimka ah, wuxuuna la guddoonsiiyay Gaari NOAH-ah

Kaalinta labaad Waxaa Galay Cabdullahi Bashiir Maxamed oo ka Socday gobolka Bari, wuxuuna ku guuleystay $1,000 ( kun doolar ), Halka kaalinta Sadexaad uu galay C/salaan Xasan Maxamed oo ka socda Gobolka Kar-kaar isagoona heley $700 ( todoba boqol oo doolar )

Tartanka oo Sanad walba Bisha Ramadaan loo Qabta Dugsiyada kala duwan ee Lagu barto Quraanka kariimka ah ee Gobolada Puntland ayaa waxaa Soo qaban qaabisay mu’asasada Al-Minhaaj.

Puntlandi.com

<