(VIDEO) Maxay ka wada hadleen madaxweyne Deni iyo Isimada gobolka Mudug ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Gaalkacyo afur iyo Casho sharaf u sameeyey isimada gobolka Mudug.

Kulanka afurka ah kadib Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay isimada, iyagoona ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin isxog weraysi guud iyo sidii gobolka horumarkiisa looga shaqayn lahaa loona dardargelin lahaa horumarka gobolka ka socda.

Isimada Puntland ayaa laf-dhabar u ah nabad gelyada, xasiloonida, kala dambaynta Puntland ay hormuud ugu tahay guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale Isimada Puntland waxay door kii ugu muhiimsanaa ka qaateen aasaaskii Puntland, waxaana uu Madaxweynaha Puntland garawsan yahay in Isimada Puntland halbowle u yihiin dhismaha dhanwalba ee dalka.

Sawirro.

 

Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting, table and indoor
<