(VIDEO) Jubaland oo qaaday duulaan ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya Jubada hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalinkii labaad booqasho kula jooga Ciidamada qalabka sida ee ku sugan furimaha hore ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee fadhiisinka ku leh deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la kulmay qaybaha Bulshada ku nool deegaanada gosha isagoo ka waraystay xaaladaha ay ku sugan yihiin wuxuuna sheegay in Hay’adaha Dowladu ay si rasmi ah uga howlgalayaan deegaan walba oo laga saaro Al-Shabaab si ay adeegyada Bulshadu durba usoo kabtaan.
Daawo.

<