Xukuumada Federaalka oo Kenya ka caraysinaysa iyo Kenya oo sikale uga faa’iideysatay, Muxuu Salka ku hayaa Khilaafkooda cusub

Dublamaasiyiin badan ayaa siyaabo kala duwan u dhigay go’aamada ay maalmihii lasoo dhaafay ay Kenya qaadatay.

Sidaan la socono waxaa Maxkamada Aduunka yaala Kiiska ay mudada isku hayeen Soomaaliya iyo Kenya, Xukuumadii Xasan Sheikh ayaa maxkamada Aduunka horgaysay Kiiska Bada, waxaana isjiidjiid badan kadib ay Maxkamadu go’aamisay iney Go’aan kama dambeysa ay Kiiska ka gaari doonto Dabayaaqada sanadkaan 2019,waxaana loo badinayaa bisha November.

Hadababa Maxaa isbadalay oo loo sugi waayay Go’aanka Maxkamada

Kenya waxay dhowr jeer isku dayday inay si hoose u xodxodoto Soomaaliya si Kiiska loogasoo celiyo Maxkamada Aduunka kadibna labada dhinac ay iyagu si hoose u dhamaystaan Muranka Bada, Xukuumadii hore ee Madaxweyne Xasan Sheik arintaas si Dublamaasiyeysan ayay Kenya uga dhaadhiciyeen in Go’aanka maxkamada oo qura ay Soomaaliya ku qanacsan tahay, iyadana laga warsugo, inta go’aankaas soo baxayana ay labada dhinacba midwalbaa dhankooda ay ilaaliyaan inaysan qaadin talaabo ku lid ah Kiiska.

Iyadoo saas looga warsugayo Jawaabta Maxkamda ayaa Xukuumada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay qaaday talaabooyin ka caraysiiyyey Kenya, Shirkii London ee Shidaalka Soomaliy qaar kamid ah lgu beec gaynayay ayaa waxaa la ogaadey in Ceelasha la beec geeyey ay ku jiraan Ceelaaha Bada ee ay ku murn ainyihiin labada dhinac.

Waxaa Xigay Shrcigii Shifaalka ee todobaadkii tagay ay Baarlamaanku ansixiyeen, Kenya waxay Xukuumada Sooaaliya ka dalbatay in sharcigaa dib loo dhiga.

Dublamasiyiin Soomli ah waxay isku raceen in labadan talabo ay Xukuumda Federaalku ay ku qaldan tahay, ayna tahy Daandaansi iyo Profakayshan lgu sameynayo Kenya.

Kenya wxay dhnkeeda ku mshquulsnyd sidii Kiisk loogasoo celinlhaa Mxkamada oo u muuqata mid Kenya looga guulysanaya.

Hadaba Kenya waxay hada istustay iney haysato fursad weyn oo ah iney Buuq siyasdeed Furto,iyadoo ka faa’iideysanaysa qaldaadka Villa SoomÊiya.

Dublamaasi Soomaali ah ayaa Puntlandi.com u sheegay in Kenya waxa ay wado uu yahay nin Daad qaaday Xumbo cusko, Kenya waxa ay hada bilowday waa qar iska xoornimo.

Waxay Kenya doonaysaa hada in Buuq siyasdeed ay abuurto, si wada xaajood looga dhex bilaabo labada Dal ayna taas uga afaa’iideysati kiiskii bada in dib loo dhigo am lagu gorgortamo.

Maxaa la gudboon Villa Soomliya

Dublaamasiyiinta Soomaliyeed ee saaxiibka la ah aqoontooda waxay amin sn yihiin In Vill Soomliy ay hal arin uga guulaysan karto Kenya, arintaas waa iney afkood iyo Adinkoodaba ay xirtan , wax talaabo ah oo loogu jawaabayo Kenyana aysan qadin, waxaa u furan oo qura iney u yeertaan safiirkooda Kenya jooga oo wadtshi ugu yeeran lkiin an wax jwaab ah l bixin,sidaasna lagu aamuso, oo an juuq loo oran kenya. waayo Kenya waxay hada doonysaa oo qura in fal celin ay Soomaaliya ay sameyso si wadamada Saaxiibku ay usoo kala dhex galaan. Waxay na ku dadaalayaan in ay buuqaan ay abuurto inta aan lagaarin bisha Novembar oo la sugayo in go’aanka maxkamada uu soo baxo.

Dublamaasi kale ayaa aaminsan in ay jirto khatar kale oo ah in Siyaasiyiinta ama hogaamiyayaasha Villa Soomaaliya ee hada Xilka hayaa ay iyagu khatar ku yihiin qaranimada iyo amaanka Soomalida kuwa gudaha iyo kuwa Kenya joogaba, habdhaqankooda aysanku dheehneyn Siyasad dag waa khatar cad, awood aysan haysan oo Kenyana ay si hoose u ogtahay ayay sheegtaan iyo Dal aan gacanta ugu jirin oo ay sheegtaan ineya matalaan ,ogow taasna Kenya si hoose oo qodo dheer ayay u ogtahay.

Maxaa xiga oo Kemya laga fili karaa

Talaabo kasto oo hada Kenya qaado waxay ku xirantahay Qaabkay u dhaqman Villa Soomliya. Waa dhici kartaa in Kenya ay soo dalacsiiso Maamul goboleedyada oo Villa Soomaliya ay horay ukala dhinteen, Qabwayni iyo Siyaasad la’aan aan laga fakarin ayaana keentay in Villa Soomaaliya ay kala fogaadaan Maamul Goboleedyada, Sharciga Kenya ka carootay ee Baarlamanku ansixiyay, waxaa iyana ka digay ansixintiisa Puntland oo u arkaysay mid dano gaara looga gol leeyahay.

<