Ciidamada difaaca Puntland ee buuraha Calmadow oo heegan buuxa la geliyay

Ciidamada didaaca Puntland ayaa heegan buuxa uga jira iskuday kasta oo kaga yimaada argigixisada Alshabab ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmadow.

Ciidamada ayaa hadda howlgallo ka wada degaanada argigixisadu lagu tuhmayo inay falal argigixiso kasoo maleegi karaan, iyadoo horey ciidamadu PSF-tu u burburiyeen saldhigyo Shababku lahaayeen.

Kooxda Alshabab ayaa labadii sano ee ugu dambeysay gaar ahaan bisha Ramadaan weeraro ka geystay xarumo ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin buuraha Calmadow, waxayna weeraradaas ka kala dhaceen saldhigyada ciidamu ku lahaayeen Af-urur iyo Balikhadar.

Waxaa ugu darnaa weerarkii bishii june ee sanadkii 2017 Shabaab ka geysteen saldhiga Af-urur, halkaasoo ay ku dileen tiro kamid ah ciidamada difaaca kuna gubeen gaadiid dagaal iyo sahay.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa faray dhammaan ciidamada difaaca Puntland ee ku xuduudaha ku sugan inay feejigaanaan dheeraad ah galaan si looga hortago waxyeelo kasta oo ay maleegayaan kooxaha argigixisada.

Puntlandi.com

 

<