W/Q: Aqoon Salim Said.” Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya waa la xalin karaa, haddii aan ujeedo siyaasadeed laga helayn joogitaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbaland

Khilaafka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya waa mid la xalin karo , aana ku qotomin taariikh colaadeed oo fog. Kenya faa’iido degaan , ganacsi iyo waxbarasho ayay Soomaalida ka heshay burburkii, halka Kenya iyana faa’iidooyin badan oo dhaqaale ka heshay burburka Soomaaliya .

Waxaase , la yaab leh kuwa u sacabinaya in ciidanka Kenya ee Jubbooyinka lagu bedelo Itoobiyaan, la ogyahay khatartooda masiiriga ee Soomaaliya ay ku hayaan.

Ciidanka Kenya waxa kaliya ee lagu bedeli karaa waa ciidan Soomaaliyeed ama ciidan aan Itobiyaan ahayn sida Burundi ama Uganda .

Haddiise xaalku yahay Kenyanka saar aan kugu dilee Itoobiyaan sidii Baydhabo ka dhacday waa iska daba qoodhinimo Itoobiyaan oo ka khatar badan daba-qoodhinimada Kenya.

W/Q: Aqoon Salim Said

<