Dowlada Federaaka oo aan wali ka jawaabin falkii Kenya

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin Falkii ay Kenya ku badashay isu socda Soomaaliya Iyo Kenya.

Bishaan horaanteedii ayay Kenya soo rogtay in dhamaan duulimaadyada rayidka ah ee ka yimaada Muqdisho ay ku soo hakadaan Garoonka Diyaaradaha Wajeer, si baaritaan amaan loogu sameeyo intaysan soo gaarin Nairobi.

Xalay oo isniin ahad 20.05 ayaa Garoonka Diyaaradaha Nairobi waxaa laga Celiyey Xubno ka ktirsan Xukuumada kadib markii lagu wargaliyey in wax laga badalay sharciyadii Basaboorka Soomaaliga lagu siin jiray Dal ku galka Kenya (visaha),
Kenya go’ aankaan ay qaateen kuma aysan wargalin Xukuumada Federaalka.

Hadaba Xukuumada Federaalka oo looga bartay inay jawaab, cambaarayn iyo taageero wadaan kale ay durba lasoo boodaan ayaa hada u muuqata inay waysan yihiin meelay wax ka bilaabaan. Wax hadal ah lagama hayo Villa Soomaaliya.

Wasiirada Arimaha Dibada Kenya oo ka hadlaysay arintaan ugub ayaa sheegtay in ay Xukuumadeedu wax ka badashay Sharuucda Dal ku galkooda.

Dublamaasiyiin ku sugan Nairobi waxay sheegeen in ay hada banaanka u soo baxday in Villa Soomaaliua iyo Nairobi ay aad u kala fogaadeen.

“Weerarkaan Dublmasiyadeed ee Kenya ay kusoo qaaday Soomaaliya ma ahan oo qura intaan ee wax kale ayay soo wadaa” waxaa sidaas Yiri Dublamaasi Soomaaliyeed oo ruugcadaa ah , kuns sugan Dalka Zambia

Puntlandi.com
Nirobi

<