BREKING NEWS: Kenya oo ka hadalshay sababtii loo soo tarxiilay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumada Farmaajo

Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee dalka Kenya ayaa warbaahinta dalkaasi usheegay in sababta loo soo tarxiilay xildhibaanada iyo wasiirada katirsan dowladda Farmaajo ay ahayd in aysan haysan Visaha dal ku galka oo looga baahnaa in ay ka soo qaataan safaarada Kenya ee Muqdisho.

Dowladda kenya ayaa sheegtay in wax badan ay iska badaleen hanaankii socdaalka ee Soomaaliya iyo Kenya ee laysaga gudbi jiray.

Wararka uu helayo warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegaya in Kenya ay uyeertay madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi si ay xiriir dhaw ula sameeyasto maamulkaasi,maadaama ay sheegtaan in Soomalaiya inteeda kale ay ka go,een.

Xildhibaanada iyo wasiirada laga soo tarxiilay maanta magaalada Nayroobi ayaa haystay dhalashada wadamo kale oo aan Soomaaliya ahayn.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa la soo baxay Baasaboorka Canada ah, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa la soo baxday Baasaboorka Talyaaniga iyo La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee dhinaca Amniga Cabdi Siciid Cali oo is a la soo baxay Baasaboorka Holand.

<